Maamul goboleedka Jubbaland ayaa si adag uga falceliyay go’aankii dowladda federaalka Soomaaliya ee maanta ku celisay diyaaraddii sidday wafdigeeda hordhaca ah iyo ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), xilli ay kusii jeedeen magaalada Muqdisho.
Bayaan kasoo baxay xafiiska madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa lagu sheegay in go’aankaasi uu ahaa mid aan laga fiirsan, islamarkaana halis weyn gelin karta ammaanka wafdiga iyo ciidamada la socday.
“Dowladda Jubbaland waxay si adag uga xuntahay go’aanka xilkasnimo-darada ah ee maanta halis toos ah lagu geliyay wafdiga hordhaca ah iyo ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Dowladda Jubaland, kadib markii Dowladda Federaalka ah ay ka celisay diyaaradii waday hawada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho” Ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu sheegay in markii ay diyaaradda kusoo dhawaatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, si lama filaan ah loogu amray inay dib ugu laabato magaalada Kismaayo, taas oo ka tarjumaysa liidasho mas’uuliyadeed iyo niyad xumo ka muuqata hab-dhaqanka dowladda federaalka Soomaaliya.
“Bilowgii safarka, diyaarada siday xubnahan oo ka duushay Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan, waxaa si rasmi ah loola socodsiiyay Hay’adda Duulista Rayidka, guddiga qaban-qaabada shirka iyo laamaha Amniga Dowladda Federaalka ah. Hase yeeshee, markii diyaaraddu ku dhowaatay inay ka degto Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, ayaa si lama filaan ah loo soo saaray go’aan cusub oo ah inay dib ugu laabato Magaalada Kismaayo, iyadoo aan la hubin in diyaaraddu haysato shidaal ku filan oo ay dib ugu laaban karto magaalada Kismaayo. Arrintan waxay ka tarjumaysaa masuuliyad-darro weyn iyo go’aan cadownimo ah oo halis geliyay nolosha wafdiga hordhaca ah.” Sidaas waxaa lagu yiri bayaanka.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay ka caga-jiidayso qabsoomidda shirka wadatashiga ah ee Muqdisho, iyadoo wado kasta usoo mareyso sidii ay shirkaasi ku baajin lahayd.
“Dowladda Federaalka ah oo ka caga-jiidaysa qabsoomidda Shirka Wadatashiga ah ee Muqdisho, waxay u muuqataa inay ka go’antahay inay wado walba u marto baajinta shirkaas, arrintaas oo muujinaysa niyad-sami la’aan iyo ka go’naansho la’aanta in xal laga gaaro xaaladda cakiran ee dalka” Ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka.
Si kastaba ha ahaatee, eedeymahan kasoo yeeray maamulka Jubbaland ayaa kusoo aadaya xilli la qorsheynayo in maalinta Talaadada ee soo socota magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka wadatashiga u dhexeeya madaxda dowladda iyo mucaaradka, kaas oo diiradda lagu saari doono sidii xal looga gaari lahaa khilaafaadka baahsan ee ka taagan wax ka beddelka dastuurka KMG ah iyo qaabka ay u dhici lahayd doorashada dalka.