Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa soo saaray bayaan mamnuucaya kulamada wadajirka ah ee labada Aqal iyo fadhiyada Golaha Shacabka, kaddib khalalaase ka dhacay kulan wadajir ah oo qabsoomay 28-kii Janaayo 2026.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale digniin kama dambeys ah u diray xubno ka tirsan Golaha Shacabka, kuwaas oo lagu eedeeyay inay qayb ka ahaayeen qalalaasihii dhacay, iyadoo magacyadooda lagu xusay bayaanka.
Guddoomiyaha ayaa carrabka ku adkeeyay in digniintaasi looga gol-leeyahay ilaalinta nidaamka, anshaxa, iyo kala dambeynta Baarlamaanka, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la dhowro xeer-hoosaadka Baarlamaanka, kaas oo qeexaya habraacyada fadhiyada, dhaqanka xubnaha, iyo nidaamka guud ee shaqada Golaha.
Bayaanka ayaa sidoo kale tilmaamay in sharafta iyo haybadda hay’adda sharci-dejinta ay tahay in la ilaaliyo, si sumcadda Baarlamaanka ay u sii jirto, loona hubiyo in kalfadhiyada mustaqbalka ay u dhacaan si habsami leh.
Go’aannadan ayaa kusoo beegmaya xilli Baarlamaanka Federaalka uu wajahayo khilaafyo siyaasadeed oo xoogan, kuwaas oo la xiriira hannaanka wax-ka-beddelka dastuurka KMG, habka loo maamulo kalfadhiyada, iyo muranno ka dhex jira xildhibaanada iyo Senatarada.
Khilaafkan ayaa sababay buuq, isku dhac, iyo kala fogaansho labada Aqal ah, taas oo carqaladeysay howlihii Baarlamaanka iyo dadaallada sharci-dejinta.
Tallaabooyinka guddoomiyaha ayaa lagu tilmaamay kuwo lagu xakameynayo qalalaasaha iyo khilaafaadka sii kordhaya, isla markaana loogu talagalay in la hubiyo in mustaqbalka fadhiyada wadajirka ah ay dhacaan si nidaamsan, iyadoo la ilaalinayo sharciyada iyo dhaqanka xildhibaanada.
Illaa hadda, wax war ah kama soo bixin xubnaha la ciqaabay ama dhinacyada mucaaradka, waxaana la sugayaa jawaab rasmi ah oo ka timaadda labada dhinac, si loo ogaado sida ay uga falcelinayaan go’aannada guddoomiyaha.

