DEG DEG:- Khalalaase ka bilawday baarlamaanka iyo xaaladda oo aad u kacsan

Bulshoweyn Online | Breaking News | War Deg Deg Ah

Waxaa maanta xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ka furmay kullankii baarlamaanka federaalka Soomaaliya, iyadoona durbadiiba halkaasi uu ka bilawday khalalaase iyo buuq aad u xooggan, xilli lagu waday in la qabto fadhi rasmi ah oo lagu gorfeeynayo hindise ku saabsan wax ka beddel lagu sameynayo Dastuurka KMG ah ee dalka.

Xildhibaano si adag uga soo horjeeda wax ka beddelka dastuurka ayaa saaka si buuxda u galay gudaha aqalka Baarlamaanka, inkastoo ay jireen xildhibaano gaaraya 18 oo shalay lagu soo rogay ganaax, kuwaas oo qaar ka mid ah maanta goobta ku sugnaa, halka kuwo kalena ay ka baaqsadeen imaanshaha.

Kadib, markii la isku dayay in la furo kulanka Baarlamaanka, waxaa markiiba bilawday sawaxan, is-qabqabsi iyo is-riix-riix, taasoo sababtay in fadhigii u furmi waayo si nidaamsan.

Ciidamo ka tirsan booliska ayaa islamarkiiba lagu arkay gudaha xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo la sheegay in loo keenay sugidda amniga iyo xakameynta xaaladda kacsan.

Ciidankaasi ayaa la sheegayaa inay gacan ka hadal ku bilaabeen qaar ka mid ah xildhibaanada goobta ku sugnaa, taas oo dhalisay caro, cabasho iyo dareen walaac leh.

Dhinaca kale, xiisadda maanta ka taagan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ah mid sii xoogeysaneysa, waxaana jira walaac ku aaddan in xiisadaan kacsan ay isu beddesho khalalaase cusub, haddii aan si degdeg ah loo helin xal cad oo lagu soo afjaro khilaafka, laguna xaqiijiyo kala dambeynta iyo socodka caadiga ah ee howlaha dowladeed.

Si kastaba ha ahaatee, shacabka iyo warbaahinta ayaa si weyn indhahooda ugu jeeda hoggaanka Baarlamaanka, iyagoo sugaya go’aannada ay qaadi doonaan iyo sida ay u maareyn doonaan xaaladdan cakiran, taasoo khatar ku ah habsami u socodka howlaha Baarlamaanka.

La soco wixii warkaan kusoo kordha..