Ra’iisul wasaare Xamse oo boggaadiyay ciidanka Danab iyo kuwa maamulka Jubbaland

Ra'iisul wasaare Xamse oo boggaadiyay ciidanka Danab iyo kuwa maamulka Jubbaland
Ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa boggaadiyay ciidanka dowladda Soomaaliya ee Danab iyo kuwa maamulka Jubbaland oo kooxda Al-shabaab dagaal culus kula galay deegaanka Kudhaa oo ka tirsan degmada Badhaadhe ee gobolka J/hoose.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xamse ayaa lagu sheegay in dhabar-adeega iyo geesinimada ciidanka Danab iyo kuwa Jubbaland ay muujinayso sidii ay uga go’an tahay in kooxda Al-shabaab laga cirib-tiro deegaanada ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah.

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sida hoos ku xusan:-

“Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa ciidammada geesiyaasha Danab & Jubbaland ee maanta sida nafhuridmada ah u jabiyay naftood-haligayaasha Khawaarijta ee isku dayay inay weerar gardarro ah ku qaadaan magaalada xeebeeda Kudhaa ee gobolka Jubbada hoose.

Tani waa astaan kale oo muujinaysa dhabar-adeegga, geesinimada, dhiirranaanta, iyo waddaniyadda ciidanka Danab iyo Jubbaland, kuwaas oo iyaga oo ku jira duruufo adag had iyo jeer u babac-dhiga dhagarqabayaasha u abaabulan ragaadinta dowladnimada & dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka kala duwan la daalaa-dhacaya, waxaana muujinaysa sida ay Khawaarijtu u yihiin kuwa taag darro oo naflacari ah, gabolkooduna dhacay.

Iska caabbinta ay sameeyeen ciidanku waxay u suurtagelisay feejignaantooda, heerka wacyigooda iyo halgannimadooda, taas oo aan ku ammaannayo taliyeyaasha, saraakiisha iyo halyeeyada kale ee ciidammada ku jira.

Halyeeyada shahiiday waxaan Alle uga baryayaa inuu shahaadadooda ka aqbalo, inta dhaawacana ah Rabbi ha u bog-dhayo. Waxaan ballan qaadaynaa taageero iyo taakuleyn inaan idinla garab taaganahay.

Ugu dambeyn waxaan idinkula dardaarmayaa in aydaan niyad jabin, aydana u naxariisan cadawga ummadda Soomaaliyeed ee Khawaarijta, isla markaana dhawrtana xuquuqda dadka shacabka ah, amniga sugtaan. Waxaana bogaadinayaa sida aad wali u bacsiga iyo sifeynta uga wadaandegaannadii maanta dirirtu ka dhacday.

XAMSA CABDI BARRE
Ra’iisul wasaaraha XJFS