Madaxweynaha maamulka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose, kaddib markii uu fashil ku dhammaaday shirkii wadatashiga ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Axmed Madoobe oo muddo ku dhow laba toddobaad ku sugnaa hoteel ku yaalla gudaha xerada Xalane, ayaa ka mid ahaa xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kuwaas oo door muuqda ka qaatay wadahadalladii burburay, ee lagu doonayay in xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka taagan wax-ka-beddelka dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka dalka.
War-saxaafadeed ay soo saareen Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in wadahadalladii u dhaxeeyay labada dhinac ay kusoo dhammaadeen natiijo la’aan, kaddib markii la isku afgaran waayay qodobo muran dhaliyay, isla markaana aysan jirin tanasul muuqda oo laga helay dhinacyada wada-hadallada.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku adkaysatay in marka hore la dhammeystiro doorashooyinka golayaasha deegaanka, gaar ahaan kuwa ka harsan maamulada Koonfur Galbeed, Galmudug, iyo Hirshabelle, ka hor inta aan loo gudbin doorashooyinka heer federaal.
Dhanka kale, xubnaha mucaaradka ayaa soo jeediyay in marka hore la qabto doorashooyinka maamul-goboleedyada muddadu ka dhammaatay, ka dibna si wadajir ah looga heshiiyo habraaca doorashada federaalka, si loo helo nidaam doorasho oo dhammaan dhinacyadu ku wada qanacsan yihiin.
Bixitaanka Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ee Muqdisho ayaa loo arkaa calaamad muujinaysa in mucaaradka ay si rasmi ah uga niyad jabeen wadahadalladii u socday Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, arrintani ayaa kusoo beegmaysa xilli saacadihii u dambeeyay ay jireen dadaallo wax-ku-ool ah oo ay wadeen xubno ka tirsan beesha caalamka, kuwaas oo lagu doonayay in lagu taageero geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka lagana hortago sii xumaanshaha khilaafka siyaasadeed ee taagan.