Diyaarado dagaal ayaa saaka duqeymo xooggan ka fuliyay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo si gaar ah loogu beegsaday xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan degmadaasi.
Duqeymaha ayaa sida la sheegay lala eegtay goobo la rumeysan yahay inay ahaayeen fariisimo iyo meelo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Al-shabaab, oo ay ku jireen godad iyo saldhigyo.
Weerarka ayaa la sheegay inuu ahaa mid qorsheysan, islamarkaana lagu bartilmaameedsaday xarumo lagu tuhunsanaa inay ku sugnaayeen koox ka tirsan Al-shabaab.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay duqeymaha, inkastoo aan wali la helin tiro rasmi ah oo ay xaqiijiyeen laamaha ammaanka.
Sidoo kale, lama shaacin cidda fulisay duqeynta, hase yeeshee howlgalkaan ayaa kusoo beegmaya xilli ay gobolka Hiiraan ka socdaan gulufyo militari oo lagu beegsanayo Al-shabaab.
Degmada Maxaas iyo guud ahaan gobolka Hiiraan ayaa muddooyinkii u dambeeyay ahaa goob ay ka socdeen howlgallo wadajir ah oo ay fulinayeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo lagu doonayo in kooxda Al-shabaab looga saaro deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan laguna xaqiijiyo amniga gobolka.
Si kastaba ha ahaatee, maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ammaanka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin faahfaahinta duqeymaha, balse warar dheeraad ah ayaa la filayaa inay kasoo baxaan saacadaha soo socda.