Golaha Mustaqbalka oo ugu dambeyn xaqiijiyay in wadahadalkii uu fashil ku dhammaaday

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa maanta si rasmi ah u xaqiijiyay inuu fashil ku dhammaaday wadahadalkii u dhaxeeyay iyaga iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaddib markii la waayay wax is-afgarad ah oo laga gaaro qodobo muhiim ah oo la xiriira mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

War-saxaafadeed ay Golaha soo saareen ayaa lagu sheegay in wada-xaajoodkaasi uu ku dhammaaday natiijo la’aan, sababo la xiriira kala duwanaansho xooggan oo ka dhashay wax-ka-beddelka Dastuurka KMG ee 2012 iyo hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka.

Golaha Mustaqbalka ayaa xusay in ay wadahadallada ku galeen ujeeddo ku saleysan xal raadis iyo niyad wanaag, iyagoo doonayay in la helo waddo looga baxo xaaladaha cakiran ee dalka ka jira, sida abaaraha, culeysyada dhaqaale, khilaafaadka siyaasadeed iyo hubanti la’aanta ku gadaaman geeddi-socodka doorashooyinka.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, Golaha ayaa muujiyay inay diyaar u ahaayeen inay qaataan tanaasul kasta oo horseedi kara xasillooni siyaasadeed, midnimo qaran iyo hannaan doorasho oo lagu wada heshiiyay.

Hase yeeshee, Golaha ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay waddo isbeddel dastuuri ah oo hal dhinac ah, isla markaana ay adeegsanayso cadaadis siyaasadeed oo lagu hayo xildhibaano iyo xubno mucaarad ah, taasoo ay sheegeen inay si weyn u wiiqday kalsoonidii wadahadallada.

Golaha Mustaqbalka ayaa tilmaamay in mid ka mid ah qodobada ugu waaweyn ee lagu kala aragti duwanaaday uu yahay ku adkeysiga golaha ee ah in Dastuurka 2012 uu yahay saldhigga sharci ee dalka, isla markaana wax-ka-beddelkiisu u baahan yahay heshiis qaran oo loo dhan yahay, halka dowladda ay doonayso, sida ay sheegeen, inay sii waddo wax-ka-beddel aan helin oggolaansho guud.

Sidoo kale, Golaha ayaa sheegay in ay dalbadeen in doorashooyinka maamul-goboleedyada muddo dhaafka ah loo qabto si waafaqsan dastuurkooda iyo nidaamka federaalka, halka dowladda ay ku talo jirto in doorashooyinkaas lagu saleeyo hannaan federaal ah oo cusub.

Qodob kale oo muran dhaliyay ayaa ahaa baaqii Golaha ee ahaa in la gaaro heshiis siyaasadeed oo cad oo ku saabsan jadwalka iyo habraaca doorashada Baarlamaanka Federaalka ka hor waqti xileedyada dastuuriga ah, si looga fogaado firaaq sharciyeed, arrintaas oo ay sheegeen in aan laga helin go’aan wax ku ool ah.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si cad u sheegay inuusan aqbali doonin wax-ka-beddel dastuuri ah oo hal dhinac ah, doorasho aan hufnayn ama tallaabo kasta oo horseedi karta muddo kororsi, isagoo carrabka ku adkeeyay inuu u taagan yahay difaaca dastuurka, nidaamka federaalka iyo doorasho lagu wada heshiiyay.

Ugu dambeyn, Golaha ayaa sheegay inay weli u furan yihiin wadahadal dhab ah oo lagu gaaro heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, ka hor dhammaadka muddo xileedyada dastuuriga ah, si looga hortago qalalaase siyaasadeed iyo kala qeybsanaan hor leh oo dalka ka dhacda.

War-saxaafadeedka ay soo saareen golaha mustaqbalka Soomaaliyeed
War-saxaafadeedka ay soo saareen golaha mustaqbalka Soomaaliyeed