Saciid C/laahi Deni oo daqiiqado kahor kasoo degay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho

Saciid C/laahi Deni oo daqiiqado kahor kasoo degay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa daqiiqado kahor kasoo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa waxaa garoonka Aadan Cadde si diirran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, saraakiil ka socday hay’adaha ammaanka iyo xubno ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, kuwaas oo muujinayay soo dhoweyn rasmi ah iyo taageero aad u ballaaran.

Madaxweyne Deni ayaa lagu wadaa inuu maalinta berri ka qeyb gelo shirka ka furmaya magaalada Muqdisho, kaas oo lagu wado inay kasoo qeyb galaan madaxda ugu sareeysa dowladda federaalka Soomaaliya, madaxweynayaasha maamul goboleedyada, iyo mas’uuliyiin kale oo muhiim ah.

Shirkaasi ayaa la diiradda lagu saari doonnaa xalinta khilaafaadka siyaasadeed ee jira, hannaanka dowlad-dhiska, dastuurka, doorashooyinka, iyo amniga guud ee dalka.

Waxaa la filayaa in dood furan iyo is-afgarad siyaasadeed ay shirkaasi kasoo baxaan, taas oo gacan ka geysanaysa xasilinta siyaasadda iyo horumarinta wada shaqeynta dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Si kastaba ha ahaatee, socdaalka madaxweyne Deni ee Muqdisho ayaa kusoo beegmaysa iyadoo dhowr daqiiqo ka hor uu magaalada soo gaaray madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, kuwaas oo ka wada qeyb-gali doonno shirka maalinta berri ka furmi doonno magaalada Muqdisho.