Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta sii ambaqaaday ka doodista wax-ka-beddelka Dastuurka KMG, oo qeyb ka ah geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka dalka, xilli ay magaalada ku sugan yihiin madaxda maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.
Xildhibaanada taageersan hoggaanka dowladda federaalka ayaa si gaar ah uga dooday Cutubka 4-aad ee dastuurka, iyagoo eegis ku sameeyay qodobbada 49-aad, 50-aad iyo 54-aad oo khuseeya qaab-dhismeedka federaalka iyo awood-qaybsiga.
Kadib falanqeyn iyo dood dheer, cutubkaas ayaa la soo xiray, iyadoo loo gudbay Cutubka 5-aad oo isagu noqday mid ay aragtiyo kala duwan ka taagan yihiin.
Xildhibaanada mucaaradka ah ayaa muujiyay walaac ku aaddan sida loo wado geeddi-socodka wax-ka-beddelka dastuurka, waxayna sheegeen in aan la helin wada-tashi qaran oo dhammaystiran, isla markaana ay muhiim tahay in arrintan lagu saleeyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Sidoo kale jira xildhibaanadaasi ayaa ka digay sii socoshada wax ka beddelka lagu sameynayo qodobada Dastuurka KMG, iyagoo sheegay in qodobadaasi ay yihiin kuwo u baahan heshiis qaran iyo aragti mideysan, ka hor inta aan wax isbeddel ah lagu samayn.
Waxaa sidoo kale jira xildhibaano kale oo ka digay in la dedejiyo wax-ka-beddelka qodobada xasaasiga ah, iyagoo ku baaqay in marka hore la helo aragti mideysan iyo wadatashi ballaaran.
Si kastaba ha ahaatee, doodaha Baarlamaanka ayaa kusoo beegmaya xilli uu dalka ku jiro marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, gaar ahaan marka la eego dib-u-dhiska dowladnimada iyo mustaqbalka nidaamka federaalka, waxaana natiijadoodu si toos ah u saameyn doontaa xasilloonida iyo isfahanka siyaasadeed ee dalka.