Ra’iisul wasaare Xamse oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Jaamacadda Carabta

Ra'iisul wasaare Xamse oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Jaamacadda Carabta
Ra'iisul wasaare Xamse oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Jaamacadda Carabta

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Jaamacadda Carabta, oo uu hoggaaminayay Dr. Maxamed Walad Acmar, Xoghayaha Guud ee ALECSO, hay’adda Jaamacadda Carabta u qaabilsan waxbarashada, dhaqanka iyo culuumta.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, dhaqanka, culuumta iyo kor u qaadidda luuqadda Carabiga.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa wafdiga u sharaxay horumarka dalka laga gaaray dhinacyada amniga, siyaasadda, dib-u-dhiska hey’adaha dowladda, iyo dadaallada lagu tayeynayo nidaamka waxbarashada, si loo hubiyo in tayada waxbarashada dalka ay la jaanqaado heerarka caalamiga ah.

Wafdiga Jaamacadda Carabta ayaa cadeeyay muhiimadda iskaashiga waxbarasho iyo diyaarinta fursado iyo deeqo waxbarasho oo kala duwan oo loo fidinayo ardayda Soomaaliyeed, iyagoo xusay in Soomaaliya ay dib u soo ceshatay kaalinteedii muhiimka ahayd ee ururrada waxbarashada caalamiga ah.

Sidoo kale, waxaa kulankaasi lagu soo bandhigay qorsheyaal lagu horumarinayo barashada luuqadda Carabiga, taas oo ah luuqadda labaad ee dalka, isla markaana muhiim u ah aqoonta, diinta Islaamka, iyo xiriirka Soomaaliya la leedahay dunida Carabta.

Ugu dambeyntii, ra’iisul wasaare Xamse iyo wafdiga Jaamacadda Carabta ayaa isku raacay in iskaashigan uu fursad u noqon doono horumarinta waxbarashada, dhaqanka iyo xirfadaha jiilalka cusub, islamarkaana uu xoojin doono xiriirka Soomaaliya iyo dunida Carabta.

Si kastaba ha ahaatee, kulankan ayaa loo arkaa inuu yahay tallaabo muhiim ah oo taageeraysa tayeynta aqoonta iyo kor u qaadidda fursadaha waxbarasho ee dalka, iyadoo fursad loo siinayo ardayda Soomaaliyeed in ay ka faa’iidaystaan deeqaha iyo barnaamijyada Jaamacadda Carabta.