Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta hoygiisa magaalada Muqdisho ku booqday madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, xilli lagu ballansan yahay qabsoomidda shirka wadahadalka u dhaxeeya madaxda sare ee dowladda iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Booqashada ra’iisul wasaare Xamse ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu abuurayo jawi wada shaqeyn, isfahan, iyo niyad-wanaag. Waxa kale oo ay muujinaysaa sida madaxda dowladda ay uga go’an tahay in la xoojiyo iskaashiga siyaasadeed, si loo dhiirrigeliyo wada hadal wax ku ool ah, loona abuuro fursado lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka.
Ra’iisul wasaare Xamse ayaa booqashadiisa ku tilmaamay mid ka tarjumeysa muhiimadda wada hadalka iyo iskaashiga siyaasadeed, isagoo sheegay in gogosha dowladda ay mar kasta fidsan tahay, albaabka madaxdana uu furan yahay.
Waxa uu xusay in muhiim tahay in dhinacyada siyaasadda lagala fariisto xal-u-helid ku wajahan arrimaha taagan, si dalka uu hore ugu tallaabsado, loogana xoreeyo cadowga Khawaariijta, isla markaana looga hortago faragelinta dibadeed ee gudaha dalka lagu sameeyo.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, oo xubin ka ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Intii lagu guda jiray kulanka, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin qorsheyaasha doorashooyinka soo socda, dib-u-eegista dastuurka, iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta dowladda iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Si kastaba ha ahaatee, kulankan ayaa loo arkaa fursad muhiim ah oo lagu dhiirrigelinayo is-afgarad siyaasadeed iyo wadajir qaran, iyadoo la xaqiijinayo in tallaabooyinka siyaasadeed ee dalka lagu gaarsiiyo horumar iyo xasillooni waarta.