Baarlamaanka oo ansixiyay hindise sharciyeedka amniga saybarka Soomaaliya

Baarlamaanka oo ansixiyay hindise sharciyeedka amniga saybarka Soomaaliya

Kullan ay maanta xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa waxay ku ansixiyeen hindise-sharciyeedka amniga saybarka Soomaaliya, kaas oo muhiim u ah sugidda amniga iyo xogta kaabayaasha isgaarsiinta dalka.

Kullankaasi oo ahaa kii 32-aad ee kalfadhiga 7-aad ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), oo ay wehliyaan guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka C/laahi Cumar Abshirow.

Kullanka ayaa soo xaadirtay illaa 145 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ansixiyay 144-xildhibaan, iyadoona 1 xildhibaan uu diiday, mana aysan jirin wax ka aamusay.

Ugu dambeyntii, xildhibaanada baarlamaanka ayaa ka dooday hindise sharciyeed kale ee sharciga dhismaha hay’adda Qaran ee maareynta deegaanka.

Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa faray guddiga ku shaqada leh hindise sharciyeedkaasi inay diyaariyaan akhrinta sedaxaad, islamarkaana ay dib ugu soo celiyaan guddiga.