Somaliland oo beenisay war ay baahisay warbaahinta Al Arabiya

Somaliland oo si kulul u beenisay war ay baahisay warbaahinta warbaahinta Al Arabiya
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa si cad loogu beeniyay war ay baahisay warbaahinta Al Arabiya, kaasi oo lagu sheegay in ciidamo aan ka tirsanayn kuwa Somaliland ay ku sugan yihiin magaalada Saylac ee gobolka Awdal.

“Jamhuuriyadda Somaliland waxay si cad u beeninaysaa warar been abuur ah oo ay faafisay warbaahinta Al Arabiya, kuwaas oo si khaldan u sheegaya in ciidamo shisheeye ay ku sugan yihiin gobolka Awdal” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu tilmaamay in aanu jirin wax ciidan shisheeye ah oo ku sugan gobolada Awdal iyo Salal, islamarkaana la xaqiijiyay in ciidanka kaliya ee ka jooga deegaanadaasi ay yihiin ciidamada qalabka sida ee jamhuuriyadda Somaliland.

“Ma jiraan wax ciidan shisheeye ah oo ku sugan gobollada Awdal iyo Salal, mana jiraan wax ciidan ah oo halkaas jooga marka laga reebo ciidamada qalabka sida ee jamhuuriyadda Somaliland,” Sidaasi waxaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Ugu dambeyntii, wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa ugu baaqday warbaahinta Al Arabiya inay joojiso marin-habaabinta amniga iyo xasilloonida dalka islamarkaana ay si deg deg ah ku saxdo warkaasi been abuurka ah, una hoggaansanto anshaxa iyo heerarka xirfadeed ee saxaafadda.