Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Turkiga

Ra'iisul wasaare Xamse oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Turkiga
Ra'iisul wasaare Xamse oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Turkiga

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo agaasimaha waaxda Afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga Amb. Ali Onaner, iyo safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Amb. Alper Aktaş.

Kullankaasi ayaa sida la sheegay looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga iyo la-dagaallanka argagixisada, si loo xaqiijiyo xasilloonida dalka iyo guud ahaan gobolka.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa uga mahad-celiyay dowladda iyo shacabka Turkiga taageerada hagar-la’aanta ah ee ay mar walba la garab taagan yihiin Soomaaliya, isagoo xusay in Turkigu yahay saaxiib istiraatiiji ah oo door muuqda ka qaatay taageerada dhanka amniga, illaalinta midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, agaasimaha waaxda Afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga Amb. Ali Onaner ayaa isna ka mahad-celiyay soo dhaweynta ra’iisul wasaare Xamse, isagoona sheegay in dowladda iyo shacabka Turkiga ay mar walba garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya, ayna sii xoojinayaan xiriirka wada-shaqayneed ee labada dal.