Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta kulan la yeeshay safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Wang Yu, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal iyo horumarinta wada shaqeynta dhinacyada amniga iyo difaaca.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray taageerada Shiinaha uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dib-u-dhiska iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida, iyadoo Wasiir Fiqi uu danjiraha ka warbixiyay guulaha ay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, isla markaana xusay doorka muhiimka ah ee saaxiibada caalamka ku leeyihiin awoodsiinta iyo taageerada ciidamada.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay xasilloonida Soomaaliya u leedahay nabadda iyo amniga guud ee Geeska Afrika, iyagoo isla ogolaaday in la sii wado wada shaqeynta istaraatiijiga ah si loo xoojiyo nabadgelyada dalka iyo gobolka. Wasiirka ayaa xusay in iskaashiga istaraatiijiga ah uu muhiim u yahay xasilinta ciidanka iyo kobcinta awoodda difaaca ee dalka.
Ugu dambeyn, wasiirka gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa hambalyo u diray dowladda iyo shacabka Shiinaha, gaar ahaan safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, munaasabadda sannadka cusub ee Shiinaha, isagoo u rajeeyay sanad barwaaqo iyo horumar leh, isla markaana tilmaamay in xiriirka labada dal uu sii xoojinayo iskaashiga dhinacyada amniga, horumarka, iyo nabadda gobolka.