Baarlamaanka oo maanta soo gaba-gabeeyay ka doodista cutubka 9-aad ee Dastuurka KMG

Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisii 21-aad ee wadajirka ah, iyagoo ka dooday qodobada cutubka 9-aad ee Dastuurka KMG, kaas oo khuseeya qaab-dhismeedka dowladda iyo nidaamka maamul ee dalka.

Kulanka waxaa shir guddoominayey Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim, waxaana ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka, C/laahi Cumar Abshirow, iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare, C/laahi Xirsi Timacadde.

Ajendaha kulanka maanta ayaa diiradda lagu saaray sii amba qaadida doodda ku saabsan cutubka 9-aad, iyadoo xildhibaanada labada Aqal ay ka yeesheen dood qoto dheer oo xasaasi ah, taasoo looga gol lahaa in la fahmo qodobada 130–154 ee cutubka, kuwaas oo muhiim u ah awood-qaybsiga heer federaal iyo maamul-goboleed.

Ugu dambeyntii, guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare, Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa kulanka soo xiray, isagoo sheegay in ka doodista cutubka 9-aad la soo gaba-gabeeyey, isla markaana u mahadceliyey xildhibaanadda ka qeybgalay, isaga oo sidoo kale ku boorriyay inay sii wadaan ka qaybgalka geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka si loo gaaro heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.