Shirkii wadatashi oo u socday Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kusoo dhammaaday natiijo la’aan, kaddib markii la isku mari waayay qodobada la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka.
Shirka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray doorashooyinka heer federaal iyo kuwa maamul-goboleedyada, hase yeeshee kala aragti duwanaansho xooggan oo soo baxay ayaa caqabad ku noqday in la gaaro is-afgarad siyaasadeed.
Ilo ku dhow kulanka ayaa sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu si cad ugu adkeystay mowqifka dowladda, isaga oo xusay in aan laga tallaabi karin doorashada heer federaal illaa marka hore la hirgeliyo doorashooyinka golayaasha deegaanka, taas oo uu ku tilmaamay tiir-dhexaad u ah geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee dalka.
Dhanka kale, madaxda Golaha Mustaqbalka ayaa muujiyay walaac ku saabsan kala hormarinta doorashooyinka, iyagoo ku dooday in arrimaha doorashada federaalka iyo kuwa maamul-goboleedyada ay u baahan yihiin in si wadajir ah looga heshiiyo, si looga fogaado qalalaase siyaasadeed.
Ilaa iyo hadda lama shaacin qorshe rasmi ah oo ku aaddan wadahadallo kale, balse wararka ayaa tilmaamaya in Golaha Mustaqbalka uu billaabay wadatashiyo u gaar ah oo lagu falanqeynayo xaaladda taagan iyo tallaabooyinka xiga ee suurtagalka ah.
Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa ka digaya in haddii aan la helin dabacsanaan siyaasadeed iyo tanaasul labada dhinac ah, ay wada-hadalladu halis ugu jiraan inay burburaan, taasoo keeni karta in madaxda Puntland iyo Jubaland ay ka baxaan magaalada Muqdisho, arrintaas oo sii murjin karta xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Dhanka kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa la filayaa inuu soo saaro war-saxaafadeed rasmi ah oo faahfaahinaya natiijada kulamadii wadatashiga ee ay la yeesheen Dowladda Federaalka, iyo sababaha keenay in aan la gaarin is-afgarad siyaasadeed.
Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu soo bandhigi doonaa mowqifka rasmiga ah ee golaha ee ku aaddan hannaanka doorashooyinka, kala hormarintooda, iyo aragtidooda ku saabsan jihada uu qaadanayo geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.