Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta shir wadajir ah la yeeshay xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka, iyaga oo sii amba qaaday ka doodista qodobada 7-aad iyo 8-aad ee dastuurka KMG-ka ah.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-galay guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha Aqalka Sare, Cali Shacbaan Ibraahim, iyo guddoomiye kuxigeennada labada aqal, iyagoo si faahfaahsan uga gorfeeyay qodobada dastuurka ee muhiimka ah, gaar ahaan kuwa la xiriira awoodaha hay’adaha dowladda iyo nidaamka maamul ee dalka.
Xildhibaanadda labada aqal ayaa ka doodista ku sameeyay cutubyadaas iyadoo la falanqeynayay saamaynta ay ku leeyihiin howlaha sharci-dejinta, xiriirka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.
Ugu dambeyntii, guddoomiyaha golaha shacabka Aadan Madoobe ayaa kulanka soo xiray isaga oo sheegay in maanta la soo gaba-gabeeyey ka doodista cutubyada 7-aad iyo 8-aad.
Guddoomiye Axmed Madoobe ayaa sheegay in kulanka xiga la bilaabi doono ka doodista cutubka 9-aad ee dastuurka KMG, isaga oo xubnaha Baarlamaanka ku dhiirrigeliyay inay si firfircoon oo hufan uga qeyb qaataan doodaha, si loo gaaro natiijooyin wax ku ool ah oo ka tarjumaya danta guud ee dalka.