Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya kulan qado-sharaf ah ku maamuusay xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Kulankan oo ahaa mid lagu xoojinayo xiriirka ka dhaxeeya dowladda federaalka iyo golaha mustaqbalka Soomaaliyeed, ayaa looga hadlay arrimo muhiim u ah dalka, waxaana madaxweynaha uu adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-tashiga iyo isu tanaasulka siyaasadeed si loo gaaro go’aamo mideeya shacabka, loona xoojiyo xasilloonida siyaasadeed.
Shirka wadatashiga Qaran, oo kulankan hordhac u ahaa, ayaa diiradda lagu saari doonaa qodobada muhiimka ah sida hannaanka doorashooyinka, xoojinta midnimada iyo wadajirka bulshada, wax ka qabashada abaaraha, iyo dardargelinta howlgalada lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada ah.
Sidoo kale, kulankan waxaa ka qeyb-galay ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, xubno ka tirsan golaha wasiirrada, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Ka qeyb-galayaashu waxay isku raaceen in wadatashiga iyo iskaashiga dowladda iyo madasha ay muhiim u yihiin horumarinta dalka, gaar ahaan xilli ay jiraan caqabado amni, abaaro, iyo qorsheyaal doorasho oo u baahan wadajir siyaasadeed.
Ugu dambeyntii, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay in wadatashiga noocan oo kale ah uu fursad u yahay in la dhiso isfaham iyo kalsooni dhexmarta dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, taasoo horseedi karta in la gaaro go’aamo mideeya dalka, lagana hortago khilaafaadka siyaasadeed.
Si kastaba ha ahaatee, kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda federaalka ee lagu xoojinayo wadahadalka siyaasadeed iyo hirgelinta qorsheyaasha horumarineed ee dalka, iyadoo la raadinayo in shacabka Soomaaliyeed ay ka faa’iidaystaan hannaanka doorashooyinka iyo horumar waara.