Xildhibaanada kasoo jeeda deegaannada Puntland, islamarkaana ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta la filayaa inay u safraan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.
Xildhibaanadan oo hore loogu diiday inay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, ayaa dhowrkii maalmood ee u dambeeyay ku sugnaa Hotelka Airport ee Muqdisho, kadib markii ay sheegeen in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka hor istaagtay safarkooda.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay ugu dambeyn ogolaatay in xildhibaanadaasi ay maanta ka dhoofaan Muqdisho, arrintaas oo timid kadib markii shalay Baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay wax ka beddelka dastuurka dalka.
Dhinaca kale, magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, waxaa haatan ka socda diyaar-garow lagu soo dhaweynayo xildhibaanadaasi maanta ka imaanaya Muqdisho.
Xildhibaanadaasi ayaa markii ay soo gaaraan magaalada Garoowe, waxay kulamo wadatashi ah la qaadan doonaan madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Deni iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Kulamadaasi ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira wax ka beddelka dastuurka, xiriirka dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada, iyo sidoo kale jihada siyaasadeed ee dalka uu u socdo.
Ugu dambeyntii, waxaa la filayaa in wadatashiyada kadib xildhibaanadaasi inay soo saaraan go’aan ama mowqif mideysan oo ku aaddan arrimaha siyaasadeed ee taagan, gaar ahaan qodobada la xiriira dastuurka iyo habraacyada siyaasadeed ee dalka.