Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta bilaabay ka doodista cutubka 9-aad ee Dastuurka KMG

Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, kaas oo ahaa kalfadhiga 7-aad, kulankiisii 20-aad, iyagoo diiradda saaray ka doodista cutubka 9-aad ee Dastuurka KMG.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), waxaana ku wehliyay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka, C/laahi Cumar Abshirow, iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Aqalka Sare, C/laahi Xirsi Timacadde.

Ajendaha kulanka maanta ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista dastuurka, gaar ahaan marxaladdiisa labaad iyo ka doodista soo jeedimaha wax-ka-beddelka dastuurka. Xildhibaanadu waxay si qoto dheer uga doodeen cutubka 9-aad, oo ka kooban qodobada 130-aad ilaa 154-aad, kuwaas oo khuseeya arrimo muhiim ah oo la xiriira qaab-dhismeedka dowladeed, nidaamka maamul, iyo awood-qaybsiga u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada.

Guddoomiyaha golaha shacabka Aadan Madoobe ayaa sheegay in dooda ku saabsan cutubka 9-aad ay sii socon doonto, isla markaana ajendaha wax-ka-beddelka dastuurka lagu amba-qaadi doono kulamada xiga, si loo gaaro go’aan mideysan oo ka turjumaya danaha guud ee dalka.

Si kastaba ha ahaatee, kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee lagu dar-dar-gelinayo dib-u-eegista dastuurka, kaasoo muhiim u ah xoojinta nidaamka federaalka iyo horumarinta geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya.