Wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka oo galay marxalad xasaasi ah

Siyaasiyiinta mucaaradka ee golaha mustaqbalka Soomaaliyeed iyo madaxda maamul goboleedyada Puntaland iyo Jubaland

Shirarkii wadatashiga siyaasadeed ee u dhaxeeyay dowladda federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada mucaaradka ayaa wajahaya xaalad hubanti la’aan ah, kaddib markii la helay warar tilmaamaya in is-faham la’aan xooggan ay ka jirto qodobada aasaasiga ah ee wada-hadallada.

Xaaladdan ayaa timid xilli Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu kulan degdeg ah ka wado gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, kaasoo la sheegay inuu diiradda saarayo go’aan mideysan oo mucaaradku ka qaataan jihada uu qaadanayo geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.

Kulankan oo ahaa mid albaabbada u xirnaa ayaa waxaa ka qeyb galay xubno mucaarad ah oo ay ku jiraan madaxdii hore ee dalka, xubno ka tirsan saameeyayaasha siyaasadda, iyo madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland. Ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in kulanka lagu falanqeeyay mowqifyada la isku hayo iyo sida looga hortagi karo in geeddi-socodka wadatashigu burburo.

Shirkan mucaaradka ayaa kusoo beegmaya xilli dhowaan ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhawaaqday shir wadatashi qaran, kaasoo kulankiisii ugu horreeyay kusoo dhammaaday natiijo la’aan, kaddib markii dhinacyada ka qeybgalay ay ku guul-darreysteen inay isku afgartaan qodobbo muhiim ah.

Inkastoo Dowladda Federaalka ay sheegtay in gogosha wada-hadalladu ay weli furan tahay, haddana waxaa isa soo taraya kulamada gaar-gaarka ah ee ay mucaaradka iyo qaar kamid ah maamul goboleedyadu wadaan, taasoo muujinaysa kalsooni darro isa soo taraysa.

Wararka laga helayo dhinacyada ku dhow kulamadan ayaa tilmaamaya in qodobada ugu waaweyn ee la isku hayo ay ka mid yihiin wax-ka-beddelka dastuurka, hannaanka doorasho ee dalka uu u wareegayo, nooca doorasho (dadban ama qof iyo cod), iyo awood-qaybsiga siyaasadeed ee heer federaal iyo dowlad-goboleed.

Khilaafkan siyaasadeed ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad kala guur ah, iyadoo waqtiga lagu muransan yahay doorashooyinka soo socda uu sii dhawaanayo.

Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa ka digaya in haddii aan la helin is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay, ay taasi keeni karto dib u dhac ku yimaada doorashooyinka iyo xaalad siyaasadeed oo cakiran.

Si kastaba ha ahaatee, dhinacyada ku lugta leh geeddi-socodkan siyaasadeed ayaan weli si rasmi ah uga hadlin natiijada kama dambaysta ah ee kulamadan, hase yeeshee waxaa muuqata in maalmaha soo socda ay go’aamin doonaan jihada mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.