Wasiirka wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, C/qaadir Maxamed Nuur, ayaa heshiis iskaashi la saxiixday wasiirka gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Saleh Bin Nasser Al-Jasser.
Heshiiskan ayaa diiradda saaraya xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada gaadiidka badda iyo horumarinta dekadaha, wuxuuna qeyb ka yahay dadaallada lagu ballaarinayo xiriirka istaraatiijiyadeed iyo wada-shaqeynta qotada dheer ee u dhexeeya jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Iskaashigan cusub ayaa si gaar ah xoogga u saaraya dhowr qodob oo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin horumarinta kaabeyaasha dekadaha, tayeynta iyo casriyeynta adeegyada gaadiidka badda, dhiirrigelinta maalgashiga caalamiga ah ee dekadaha Soomaaliya, iyo is-dhaafsiga khibradaha iyo aqoonta farsamo ee la xiriirta maamulka iyo hawlgalinta dekadaha casriga ah.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa tilmaamay in heshiiskani uu fursad weyn u abuuri doono kor u qaadidda hufnaanta iyo wax-soo-saarka dekadaha Soomaaliya, isla markaana uu gacan ka geysan doono kordhinta isku xirka ganacsiga badda ee u dhaxeeya Soomaaliya, Sacuudi Carabiya iyo suuqyada kale ee gobolka iyo caalamka.
Sidoo kale, heshiiska ayaa la filayaa inuu xoojiyo doorka istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya ku leedahay marin-biyoodka muhiimka ah ee gobolka, gaar ahaan Badda Cas iyo Badweynta Hindiya, taas oo Soomaaliya siin karta fursado cusub oo dhinaca ganacsiga, gaadiidka iyo maalgashiga ah.

Ugu dambeyntii. wasiirrada labada dal ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in heshiiskan si dhab ah loo dhaqan geliyo, iyaga oo muujiyay in wada-shaqeyntani ay horseedi doonto horumar waara oo dhinaca dekadaha iyo gaadiidka badda ah, isla markaana ay sii xoojin doonto xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee u dhaxeeya labada dal.