Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u soo gaba-gabeeyay marxaladda ka doodista soo-jeedimaha wax-ka-beddelka Dastuurka KMG ah, ka dib fadhiyo xiriir ah oo ay xubnaha labada gole si wadajir ah uga yeesheen qodobbada kala duwan ee dastuurka.
Kulanka maanta, oo ahaa kii 23-aad ee kalfadhiga 7-aad ee fadhiyada wadajirka ah, waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), waxaana ku wehlinayay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim, iyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare C/laahi Cali Xersi (Timacadde), iyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka C/laahi Cumar Abshirow.
Xildhibaannada labada Aqal ayaa fadhigaan uga doodday cutubyadii ugu dambeeyay ee dib-u-eegista Dastuurka, kuwaas oo diiradda saaray Amniga Qaranka (Cutubka 12aad) iyo Qodobo Guud (Cutubka 13aad), oo dhameystiraya dastuurka isla markaana saldhig u ah hirgelinta qodobbadiisa kale.
Dhinaca kale, xildhibaanadda labada Aqal ayaa soo bandhigay talooyin iyo aragtiyo wax-ku-ool ah oo ku wajahan xoojinta nidaamka amniga dalka iyo tayeynta qodobbada guud, si ay ula jaanqaadaan baahiyaha dowladnimo iyo duruufaha isbeddelaya.
Sidoo kale, Guddoonka labada Aqal ayaa bogaadiyay hannaanka miro-dhalka ah ee ka doodista dib-u-eegista Dastuurka, isaga oo ku ammaanay mudaneyaasha kaalintooda firfircoon iyo ka-qaybgalka wax-ku-oolka ah.
Guddoonka ayaa sidoo kale faray guddiyada u xilsaaran arrimaha Dastuurka inay si habraac iyo shuruucda waafaqsan u soo qaabeeyaan dhammaan talooyinka iyo aragtiyaha la dhiibtay, si loogu diyaariyo marxaladaha xiga ee geeddi-socodka dib-u-eegista iyo ansixinta dastuurka.
Ugu dambeyn, xildhibaanada labada Aqal ayaa soo gaba-gabeeyay doodda iyagoo caddeeyay in aragtiyaha iyo fikradaha la soo bandhigay ay kaalin weyn ka qaadan doonaan tayeynta nuxurka wax-ka-beddelka Dastuurka, loona hubinayo inuu la jaanqaado himilooyinka qaranka iyo baahiyaha shacabka Soomaaliyeed.