Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa si cad oo faahfaahsan uga hadlay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, isagoo ku tilmaamay tallaabo si toos ah u saameyn karta xasilloonida Geeska Afrika isla markaana dhalin karta xiisado siyaasadeed iyo amni oo cusub.
Maqaal uu ku qoray wargeyska lagu magacaabo Jeune Afrique, ayuu madaxweyne Geelle ku sheegay in gobolka Geeska Afrika uu horeyba ugu jiray marxalad xasaasi ah oo ay hareeyeen caqabado dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda ah, sidaa darteed, ayuu yiri, tallaabo kasta oo wax ka beddeleysa xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya waxay u baahan tahay feejignaan gaar ah iyo wadatashi ballaaran oo lala yeesho dalalka gobolka iyo beesha caalamka.
Madaxweyne Geelle ayaa ku dooday in aqoonsiga noocan ahi uu abuuri karo kala qaybsanaan siyaasadeed oo sii fogeysa dadaallada dib-u-heshiisiinta iyo dowlad-dhiska ee ka socda Soomaaliya.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Jabuuti ay si joogto ah u taageerto midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana aysan aqbali karin tallaabo kasta oo keeni karta kala fogaansho ama muran cusub.
Madaxweynaha Geelle wuxuu sidoo kale muujiyay walaac ku saabsan suurtagalnimada in arrintani ay beddesho dheelitirka awoodaha ee gobolka, gaar ahaan haddii ay keento loollan cusub oo u dhaxeeya quwadaha shisheeye ee danaha ka leh badda Cas iyo marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika.
“Gobolka wuxuu u baahan yahay iskaashi dhaqaale iyo amni oo mideeya dalalka deriska ah, halkii uu ka noqon lahaa goob lagu loollamo oo ay ku hardamaan dano shisheeye” Sidaas waxaa yiri madaxweyne Geelle
Madaxweyne Geelle ayaa si gaar ah uga digay suurtagalnimada iskaashi milatari oo dhex mara Israa’iil iyo Somaliland, isagoo xusay in arrintaasi ay halis ku noqon karto amniga badda Cas iyo isu socodka ganacsiga caalamiga ah ee mara marin-biyoodkaas muhiimka ah. Wuxuu tilmaamay in Jabuuti, oo ah dal leh dekedo iyo saldhigyo istiraatiiji ah, ay si dhow ula socoto isbeddellada amni ee gobolka.
Dhanka kale, Madaxweyne Geelle ayaa hoosta ka xarriiqay in xalalka waara lagu gaari karo oo keliya wada-hadal iyo is-afgarad siyaasadeed oo ay ku lug leeyihiin dhammaan dhinacyada ay khusayso. Wuxuu ku baaqay in laga fogaado tallaabooyin degdeg ah oo aan laga fiirsan, si looga hortago cawaaqib siyaasadeed oo mustaqbalka fog saameyn kara xiriirka dalalka gobolka.
Hadalladan ayaa imaanaya xilli ay sii xoogeysanayaan doodaha ku saabsan aqoonsiga Somaliland iyo saameynta uu ku yeelan karo xiriirka Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah, gaar ahaan kuwa ku yaalla Geeska Afrika, waxayna arrintan noqotay mid si weyn loogu falanqeeyo gudaha gobolka iyo fagaarayaasha caalamiga ah, iyadoo ay kala aragti duwan yihiin dowladaha iyo daneeyayaasha siyaasadeed.