Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta kulan wadatashi ah la yeeshay hoggaanka ururrada siyaasadda ee ka qeybgalay doorashadii goleyaasha deegaanka ee gobolka Banaadir, iyadoo kulanka lagu falanqeeyay horumarinta hannaanka doorashooyinka dalka.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada ay xukuumaddu ku dooneyso inay ku xoojiso wada-shaqeynta daneeyayaasha siyaasadda, gaar ahaan xilligan oo la wado qorshaha hirgelinta doorashooyin dadweyne oo toos ah.
Dhinaca kale, hoggaanka ururrada siyaasadda ayaa ra’iisul wasaaraha la wadaagay aragtiyo la xiriira caqabadaha jira, hufnaanta doorashooyinka, iyo sidii loo abuuri lahaa jawi siyaasadeed oo furan oo ay ku tartami karaan dhammaan dhinacyadu.
Ra’iisul wasaare Xamse ayaa sheegay in dowladdu ay mudnaan gaar ah siinayso dhageysiga talooyinka ka imaanaya ururrada iyo bulshada rayidka ah, si loo helo hannaan doorasho oo daahfuran, laguna kalsoonaan karo, isagoona xusay in xoojinta dimuqraadiyadda iyo ka-qaybgalka dadweynaha ay laf-dhabar u yihiin geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka.
Sidoo kale, ra’iisul wasaaruhu wuxuu tilmaamay in amniga iyo xasiloonida ay muhiim u yihiin qabsoomidda doorashooyin xor iyo xalaal ah, isagoo carrabka ku adkeeyay in dowladdu ay ka go’an tahay in la dhiso hay’ado dowladeed oo ku yimaadda rabitaanka shacabka.
Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa haatan ku howlan qorshe ballaaran oo lagu dhamaystirayo doorashooyinka tooska ah ee dowladaha hoose, iyadoo la filayo in degmooyin kala duwan oo dalka ah laga qabto doorashada cod iyo qof ee goleyaasha deegaanka, taasoo loo arko tallaabo horumarineed oo muhiim u ah dhismaha nidaam dimuqraadi ah oo waara.