Iiraan ayaa la sheegay inay weli kaydsanayso qaar ka mid ah gantaalladeeda ugu awoodda badan si ay u isticmaasho marka difaacyada cirka ee Maraykanka iyo xulafadiisa ay daciifaan, arrintaas oo kordhin karta khatarta iyo xiisadda ka taagan Bariga Dhexe.
Wararka ayaa sheegaya in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay afar maalmood oo dagaal ah ku ridaysay drones iyo gantaallo 11 waddan, balse qaar ka mid ah hubkeeda ugu horumarsan, sida gantaalka Khorramshahr-4, aan weli la isticmaalin.
Gantaalkan oo dhererkiisu yahay 13 mitir ayaa la sheegay inuu gaari karo masaafo dhan 2,000 km, taas oo ka dhigaysa mid awood u leh inuu gaaro bartilmaameedyo ku yaal meelo badan oo ka tirsan Bariga Dhexe, islamarkaana qaadi kara madax-gantaal culus oo miisaankiisu weyn yahay, taas oo kordhin karta awoodda burburka ee uu keeni karo marka la adeegsado.
Khubaro militari oo ku xeel dheer arrimahaan ayaa sheegay in Iiraan laga yaabo inay sugayso waqtiga ku habboon si ay u isticmaasho gantaalladan, iyadoo marka hore isku dayaysa inay daaliso nidaamyada difaaca cirka ee Maraykanka iyo Israa’iil.
Sidoo kale, khubaradu waxay sheegeen in waddamo badan oo ka tirsan Khaliijka ay wajahi doonaan yaraanta gantaallada difaaca cirka, taas oo sii kordhinaysa walaaca dhinaca amniga ee gobolka, iyaga oo tilmaamay in haddii keydka gantaallada difaaca uu sii yaraado, ay adkaan karto in si joogto ah loo qabto gantaallada iyo drones-ka ka imaanaya Iiraan.
Ugu dambeyntii, khubaradu waxay sheegeen in drones-ka Iiraan ay noqdeen hub waxyeello badan geysta oo qiimo jaban leh, isla markaana ku khasba difaacyada cirka ee Maraykanka iyo xulafadiisa inay adeegsadaan gantaallo qaali ah si loo soo rido.
Si kastaba ha ahaatee, arrintani waxay ka dhigaysaa istaraatiijiyadda Iiraan mid waxtar iyo awood u leh inay daaliso nidaamyada difaaca ee gobolka, isla markaana saameyn milatari iyo istaraatiiji ah ku yeelato weerarrada, taasoo ka dhigan in Iiraan ay awood u leedahay inay bartilmaameedyo muhiim ah ku beegsato meelo istaraatiiji ah, iyadoo dhinacyada kale ku qasbaysa inay adeegsadaan kharash badan, hub casri ah, iyo dadaal dheeri ah si ay u difaacaan goobaha muhiimka ah.