Buundada Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Sh/hoose oo saaka duntay

Buundada Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Sh/hoose oo saaka duntay

Wararka ka imaanaya deegaanka Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in buundada kala qeybisa deegaanadaasi ay saaka duntay, xilli la sheegay inuu dul marayay gaari nooca xamuulka qaada ah oo agab kala duwan siday.

Buundada ayaa sida la sheegay duntay xilli uu gaarigaasi xamuulka ah dul marayay, taasoo keentay in qeyb ka mid ah buundada ay si lama filaan ah u dunto, islamarkaana uu hakad galo isku socodka gaadiidka ee u kala goosha deegaanada kala duwan ee gobolka Sh/hoose iyo magaalada Muqdisho.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashaneysa dowladda Turkiga, ayaa qiyaastii afar bilood ka hor dib u dhis ku sameysay buundadaasi, si loo soo celiyo isku socodka iyo ganacsiga deegaanka, kaddib markii ay horey u burburiyeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Buundadan oo door muhiim ah ka qaadatay isku socodka gaadiidka iyo ganacsiga deegaanada gobolka Sh/hoose, ayaa haatan laga cabsi qabaa in burburkeedu uu saameyn ku yeesho isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Sh/hoose ama dowladda federaalka Soomaaliya oo ku saabsan sababta dhabta ah ee keentay burburka buundada iyo tallaabooyinka la qaadi doono si mar kale loo dayactiro.