Jaamacadda Carabta oo soo dhaweysay ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya

Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Dowladaha Carabta, Axmed Aboul Gheit

Ururka Jaamacadda Dowladaha Carabta ayaa si diirran u soo dhaweeyay ansixinta ugu dambeysa ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ay dhawaan meel mariyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isla markaana la dhaqan geliyay.

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Dowladaha Carabta, Axmed Aboul Gheit ayaa war-murtiyeed uu soo saaray ku sheegay tallaabadan mid taariikhi ah oo muhiim u ah geeddi-socodka dhismaha iyo dhammaystirka hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya, isagoo xusay in ansixinta dastuurku ay xoojinayso aasaaska nidaamka dowladnimo ee ku dhisan xukunka sharciga iyo nidaamka dastuuriga ah.

Sidoo kale waxa uu carrabka ku adkeeyay in dastuurku uu door weyn ka qaadanayo kala soocidda awoodaha dowladda, ilaalinta xuquuqda iyo xorriyadaha aasaasiga ah, iyo xaqiijinta midnimada dalka, iyadoo la tixgelinayo kala duwanaanshaha gobollada iyo qaab-dhismeedka federaalka.

Dhinaca kale, afhayeenka xoghayaha guud, Jamaal Rushdi, ayaa ansixinta dastuurka Soomaaliya ku tilmaamay geeddi-socod qaran oo ballaaran iyo dadaallo joogto ah oo ay sameeyeen shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adahooda dowliga ah, kuwaas oo ujeeddadoodu tahay xoojinta xasilloonida siyaasadeed iyo dhismaha dowlad hufan.

Ugu dambeyn, Ururka ayaa xaqiijiyay inuu sii wadi doonno taageerada iyo iskaashiga uu la leeyahay dowladda federaalka Soomaaliya iyo baarlamaanka, gaar ahaan arrimaha la xiriira xoojinta amniga iyo xasilloonida, horumarinta hay’adaha dimuqraadiyadda, ilaalinta midnimada dalka, iyo kobcinta barwaaqada shacabka Soomaaliyeed.