Farmaajo oo si kulul u cambaareeyay xarigga loo geystay gaadiidleyda bajaajka ee Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa si kulul u cambaareeyay tacaddiyada iyo xarigga loo geystay qaar ka mid ah gaadiidleyda bajaajka ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo maalintii shalay si nabad ah u muujinayay cabashadooda ku aaddan xaaladaha dhaqaale iyo sicir-bararka saameynta ku yeeshay noloshooda.

Bayaan uu soo saaray madaxweynihii hore ayaa lagu sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku shaqeysta duruufo adag ay mudan yihiin in la fahmo xaaladdooda, isla markaana laga dulqaado culaysyada dhaqaale ee ay la kulmayaan, gaar ahaan canshuuraha iyo kharashaadka ay ka cabanayaan, isagoona xusay in gaadiidleyda bajaajka ay door muhiim ah ka qaataan dhaqaalaha magaalada iyo nolosha maalinlaha ah ee shacabka.

Farmaajo ayaa sidoo kale ka digay waxa uu ku tilmaamay cabburin, xadgudub iyo xarig lagu hayo muwaadiniin si nabad ah u cabanaya, isagoo ugu baaqay dowladda inay ka waantoowdo tallaabo kasta oo lagu xakameynayo xorriyadda muujinta cabashada shacabka.

Madaxweynihii hore ee Soomaalilya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa ugu baaqay dowladda in si degdeg ah loo sii daayo dhallinyarada loo xiray cabashadooda, isaga oo xusay in xuquuqda ay ku doodayaan ay si cad u dammaanad qaadayaan dastuurka dalka iyo shuruucda kale ee ilaalinaya xorriyadda iyo karaamada muwaadiniinta.

Ugu dambeyn, Farmaajo ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ku boorriyay inay sii wadaan dadaalkooda iyo aaminaadda ay u qabaan mustaqbalka dalkooda, isagoo ku dhiirrigeliyay inay ka shaqeeyaan horumarka iyo dhismaha bulshada inkasta oo ay jiraan caqabado dhaqaale iyo nololeed oo ay wajahayaan.

Si kastaba ha ahaatee, bayaankan uu soo saaray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa ku soo beegmaya xilli ay soo baxayaan cabashooyin la xiriira xaaladaha nololeed ee sii adkaanaya iyo saameynta sicir-bararka ee ku yeelanaya qaybaha kala duwan ee bulshada.