C/casiis Laftagareen oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo

C/casiis Laftagareen oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Baydhabo

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis Xasan Laftagareen oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa ku shaaciyay in maamulka uu hoggaamiyo uu gebi ahaan joojiyay xiriirkii iyo wada shaqeyntii kala dhaxeysay dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Laftagareen ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ku dhaqaaqday arrimo uu ku tilmaamay kuwo wiiqaya nidaamka federaalka ee dalka ku dhisan yahay, isla markaana khatar ku ah amniga iyo xasilloonida guud ee Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweyne Laftagareen ayaa dhaliilay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku eedeeyay inuusan aqbalin talooyin wax ku ool ah islamarkaana uusan diyaar u ahayn in si wadajir ah looga gudbo duruufaha adag ee ka jira dalka.

Dhinaca kale, madaxweyne C/casiis Laftagareen ayaa tilmaamay in maamulka uu hoggaamiyo uu xaq dastuuri ah u leeyahay inuu ilaashado madax-bannaanida maamulkiisa, isagoo dowladda federaalka ku eedeeyay inay ku lug leedahay hubeynta maleeshiyaad iyo abaabulka kooxo uu ku tilmaamay kuwo aan ka tirsaneyn nidaamka dowliga ah.

Ugu dambeyn, madaxweyne Laftagareen ayaa carrabka ku adkeeyay in go’aanka ay qaateen uu yahay mid ku saleysan xuquuq dastuuri ah, isla markaana aysan jirin wax gorgortan ah oo ay ka galayaan, taas oo muujineysa adkeysiga maamulka Koonfur Galbeed ee mowqifkiisa siyaasadeed.