Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga hadashay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, kadib go’aan kasoo baxay maamulkaas oo lagu hakiyay wada shaqeyntii kala dhaxeysay dowladda federaalka, taas oo sii xoojisay xiisadihii siyaasadeed ee horey u jiray.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa lagu caddeeyay in dowladda federaalka ay si dhow ula socoto xaaladaha ka soo cusboonaaday Koonfur Galbeed, gaar ahaan caqabadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka jira deegaanada maamulkaas, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara xasilloonida guud ee dalka.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale bogaadisay kaalinta muuqata ee ay shacabka iyo maamulka Koonfur Galbeed ku leeyihiin ilaalinta midnimada dalka iyo horumarinta dowladnimada, iyadoo si gaar ah loo xusay doorkooda muhiimka ah ee hannaanka dib-u-eegista dastuurka iyo geeddi-socodka dimuqraadiyeynta, kuwaas oo laf-dhabar u ah xasilloonida siyaasadeed iyo horumarka waara ee Soomaaliya.
Dhinaca kale, dowladda federaalka ayaa si cad u sheegtay in aysan wax lug ah ku lahayn xasillooni darrada laga soo sheegayo qaar ka mid ah deegaanada Koonfur Galbeed, iyadoo mar kale adkeysay in ay ka go’an tahay joojinta colaadaha iyo dhiirrigelinta xalinta khilaafaadka iyadoo loo marayo wadahadal iyo is-afgarad, si loo ilaaliyo guulihii laga gaaray la dagaallanka kooxaha argagixisada.
Sidoo kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay go’aanka maamulka Koonfur Galbeed ee lagu hakiyay wada shaqeyntii kala dhaxeysay dowladda federaalka, iyadoo hoosta ka xariiqday in hay’adaha dowladda ay sii wadi doonaan gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah iyo kuwa sharci ee ay ka leeyihiin adeegga shacabka ku nool deegaanadaas.
Ugu dambeyn, dowladda federaalka ayaa ugu baaqday maamulka Koonfur Galbeed inay dib u bilaabaan wada shaqeynta isla markaana ay ka qeyb qaataan dadaallada dib-u-heshiisiinta iyo dimuqraadiyeynta dalka, iyadoo fariin cad u dirtay bulshada, odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta deegaanka si ay uga fogaadaan fal kasta oo halis gelin kara amniga iyo nabadda guud.
Si kastaba ha ahaatee, xiisaddan siyaasadeed ayaa qayb ka ah khilaafaad soo noqnoqday oo u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, kuwaas oo inta badan salka ku haya arrimo la xiriira awood qeybsiga, habraacyada doorashooyinka iyo hirgelinta nidaamka federaalka, kuwaas oo weli u baahan xal waara oo ku saleysan wada tashi iyo is-afgarad qaran.