Siyaasiga mucaaradka ah islamarkaana ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya C/raxmaan C/shakuur Warsame, ayaa habeenkii xalay hadal xasaasi ah ka jeediyay kulan ay siyaasiyiinta mucaaradka la yeesheen odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, kaas oo qeyb ka ah dadaallada lagu xallinayo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dalka.
Xildhibaanka ayaa hadalkiisa ku muujiyay mahadcelin uu u jeediyay odayaasha dhaqanka, isagoo xusay doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan gudbinta aragtiyaha bulshada iyo la-tashiyada siyaasadeed ee socda, gaar ahaan fariimaha ay u gudbiyeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
“Waa mahadsan yihiin salaadiinta runta u sheegtay madaxweyne Xasan Sheekh, balse waxaa naloo sheegay inay ahaayeen seddax ka mid ah odayaasha Daarood, laakiin Imaamka Hawiye hadii uusan hadli lahayn, ceeb ayay nagu ahaan lahayd annaga Hawiye ahaan,” Sidaas waxaa yiri Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame.
Ugu dambeyn, Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay inay muhiim tahay in hoggaanka dhaqanka ay kaalin firfircoon ka qaataan xal u helidda xaaladda cakiran ee dalka, maadaama ay yihiin laf-dhabarta bulshada Soomaaliyeed, isla markaana ay door muhiim ah ku leeyihiin dejinta xiisadaha siyaasadeed.
Si kastaba ha ahaatee, kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan kulamada u dhaxeeya mucaaradka iyo odayaasha dhaqanka, iyadoo diiradda la saarayo sidii loo heli lahaa xal mideysan oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka iyo kala-guurka siyaasadeed ee dalka, xilli ay soo dhowdahay dhammaadka muddada xilka dowladda federaalka.