Waxaa haatan magaalada Muqdisho ka soconaya kulan xasaasi ah oo u dhaxeeya siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo jeeda Beesha Hawiye iyo odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee dhawaan ka qeyb-galay xafladii caleema-saarka Ugaaska beesha Murudsade Ugaas C/risaaq Ugaas C/laahi Ugaas Xaashi.
Goobta uu kulanka ka dhacayo ayaa waxaa ku sugan siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo odayaasha dhaqanka, waxaana kulankan diiradda lagu saari doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka sii xoogeysanaya ee ka taagan arrimaha doorashooyinka, kaas oo u dhaxeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in siyaasiyiinta mucaaradku ay odayaasha dhaqanka la wadaagi doonaan cabashooyin la xiriira hannaanka doorashooyinka, oo ay ku tilmaamayaan mid aan weli lagu gaarin heshiis siyaasadeed oo dhameystiran, sidoo kalena laga doodi doono marxaladda kala-guurka siyaasadeed ee dalka.
Kulankaan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayso xiisadda siyaasadeed ee dalka, iyadoo muddo xileedka dowladda federaalka uu ka harsan yahay qiyaastii 16 maalmood oo kaliya, taasoo sii kordhinaysa doodaha ku saabsan jihada siyaasadeed ee mustaqbalka Soomaaliya.
Warkaan iyo wixii kulanka kasoo baxa kala soco wararkeena dambe “Insha Allaah”