Rooble oo ka hadlay kulankii siyaasiyiinta mucaaradka la yeesheen odayaasha dhaqanka (Sawirro)

Rooble oo ka hadlay kulankii siyaasiyiinta mucaaradka la yeesheen odayaasha dhaqanka

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa faahfaahin ka bixiyay kulan casho sharaf ah oo ay xalay siyaasiyiinta mucaaradka magaalada Muqdisho kula yeesheen odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ka kala yimid guud ahaan deegaannada dalka.

Rooble ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in kulanka uu ahaa mid lagu falanqeeyay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan muranka ka taagan arrimaha doorashooyinka iyo hubanti la’aanta hareysay hannaanka siyaasadeed ee xilligan kala-guurka ah.

Rooble oo ka hadlay shirkii xalay ay la yeesheen odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed
Rooble oo ka hadlay shirkii xalay ay la yeesheen odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed

Sidoo kale, wuxuu xusay in kulanka diiradda lagu saaray doorka odayaasha dhaqanka ee ku aaddan xal u helidda caqabadaha taagan, si loo abuuro hannaan doorasho oo ay ku wada qanacsan yihiin dhinacyada kala duwan ee siyaasadda dalka.

Rooble oo ka hadlay shirkii xalay ay la yeesheen odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed
Rooble oo ka hadlay shirkii xalay ay la yeesheen odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in kulanka looga hadlay walaaca laga qabo xaaladda doorashooyinka dalka, iyo sidii loo xaqiijin lahaa hannaan doorasho oo hufan oo lagu kalsoonaan karo, si looga gudbo khilaafaadka siyaasadeed ee jira.

Rooble oo ka hadlay shirkii xalay ay la yeesheen odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed
Rooble oo ka hadlay shirkii xalay ay la yeesheen odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed

“Caawa waxaan casho sharaf u sameynay Duubabka Dhaqanka ee ka kala yimid deegaanada Soomaaliyeed oo dhan. Kulankaan wuxuu ahaa fursad lagu gorfeynayey xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan hubanti la’aanta iyo is-mariwaaga ka taagan doorashooyinka nagu soo fool leh iyo sidii ay Duubabka Dhaqanka uga qeyb qaadan lahaayeen xal u helidda caqabadaha taagan, si loo abuuro hannaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo. Sidoo kale, waxaa la isla soo qaaday walaaca laga qabo faragelinta qaawan oo MW Xassan Sheekh ku hayo doorashooyinka maamul goboleedyada” Ayuu qoraalka ku yiri ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Rooble oo ka hadlay shirkii xalay ay la yeesheen odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed
Rooble oo ka hadlay shirkii xalay ay la yeesheen odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed

Si kastaba ha ahaatee, kulankaan xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee siyaasiyiinta mucaaradka iyo odayaasha dhaqanka ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan dadaallada lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda siyaasadeed ee dalka, iyadoo odayaasha dhaqanka ay door muuqda ka ciyaarayaan wadahadallada socda.

Rooble oo ka hadlay shirkii xalay ay la yeesheen odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed
Rooble oo ka hadlay shirkii xalay ay la yeesheen odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed