Madaxweynihii hore ee Puntland, C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole), oo ka hadlay kulan ka dhacay magaalada Garoowe ayaa si cad u sheegay in Puntland aysan marnaba aqbali doonin wax ka beddel lagu sameeyo Dastuurka Soomaaliya, haddii aan laga talo-gelin maamulka iyo bulshada Puntland.
C/raxmaan Faroole ayaa tilmaamay in dastuurkii hadda lagu doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu lahaa qodobo qaar oo “wax ka qalqaldan” oo u baahan hagaajin, balse wax ka beddel kasta oo hadda lagu sameeyo uu yahay sharci darro, ayna tahay in guddiyada labada Aqal ay si hufan oo sharci ah uga shaqeeyaan.
Wuxuu intaa ku daray in habka hadda la wado uu ka turjumayo musuqmaasuq iyo in go’aano laga gaaray si aan habboonayn.
“Wixii wax ka beddel ah ee la sameeyo iyadoo aan la dhammaystirin habraacyada sharciga ah waa tuugonimo, waxaana cadeynayaa in Puntland aysan aqoonsanayn,” Sidaas waxaa yiri madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole.
Sidoo kale, C/raxmaan Faroole ayaa tilmaamay in xildhibaanada Puntland ee Muqdisho ku harsan ay yihiin kuwo tiro yar, oo aan matalin guud ahaan maamulka, wuxuuna ku adkeystay in isku day kasta oo lagu beddelo dastuurka iyadoo aan la raacin habraaca sharciga ay noqon doonto mid aan sharci ahayn.
“Ansixinta wax kasta oo aan sharci ahayn waa tuugo, dastuurkii hore ayaa sax ah, wixii laga taabtaa waa sharci-darro,” ayuu yiri C/raxmaan Faroole.
Dhinaca kale, khubarada siyaasadda iyo garsoorka Puntland ayaa ka digaya in isku day kasta oo lagu dhaqangeliyo wax ka beddel aan loo marin habraaca sharciga uu keeni karo khilaaf siyaasadeed iyo xasillooni-darro ka dhex dhalata maamulka iyo dowladda federaalka.
Si kastaba ha ahaatee, arrintani waxay caddeyneysaa in weli uu jiro khilaaf u dhaxeeya maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe, gaar ahaan arrimaha awood qaybsiga iyo geeddi-socodka dhameystirka dastuurka Soomaaliya.