Kaarka aqoonsiga Qaranka ee socdaalka gudaha dalka oo si rasmi ah loo hirgeliyay

Kaarka-Aqoonsiga-Socdaalka-Gudaha-Dalka.jpg

Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda, Mustafa Dhuxulow ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay hirgelinta kaarka aqoonsiga Qaranka ee socdaalka gudaha dalka, taasoo ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo nidaamka maamulka iyo habsami-u-socodka howlaha socdaalka gudaha.

Kaarka cusub ayaa loogu talagalay in lagu fududeeyo adeegga muwaadiniinta safarka ku ah gudaha dalka, iyadoo la hubinayo in nidaamka socdaalka uu noqdo mid hufan, ammaan ah, isla markaana waafaqsan sharciga.

Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Mustafa Dhuxulow ayaa booqday terminaalka laga dhoofo ee duulimaadyada gudaha, halkaas oo uu ka dhageystay warbixin faahfaahsan oo ay bixiyeen madaxda waaxda xuduudaha dalka.

Kaarka-Aqoonsiga-Socdaalka-Gudaha-Dalka.jpg

Warbixintu waxay si faahfaahsan uga hadashay habraaca cusub ee socdaalka gudaha, heerka diyaar garowga farsamo ee adeegyada, iyo tallaabooyinka lagu fududeynayo muwaadiniinta safarka ku jira.

Waxaa kale oo warbixinta lagu caddeeyay in nidaamkan cusub uu ka tarjumayo casriyeynta maamulka socdaalka iyo ilaalinta amniga xuduudaha, isagoo adeegga ka dhigaya mid hufan, ammaan ah, oo waxtar leh.

Ugu dambeyntii, agaasime Mustafa Dhuxulow ayaa faray saraakiisha iyo shaqaalaha inay muujiyaan dulqaad, tixgelin, iyo garasho gaar ah inta muwaadiniintu la qabsanayaan nidaamka cusub, si adeeggu u noqdo mid waxtar leh, hufan, isla markaana lagu kalsoonaan karo.

Si kastaba ha ahaatee, hirgelinta kaarka aqoonsiga qaranka ee socdaalka gudaha dalka ayaa ah tallaabo muhiim u ah casriyeynta adeegyada dowladda, fududeynta safarka muwaadiniinta, iyo xoojinta kalsoonida bulshada ee nidaamka socdaalka, iyadoo la raacayo siyaasadaha horumarineed ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.