Ciidamada ammaanka ee magaalada Muqdisho ayaa xalay saqdii dhexe si la yaab leh ugu guuleystay inay gacanta kusoo dhigaan mooto bajaaj laga soo buuxiyay hoobiyeyaal iyo walxaha qarxa, kuwaas oo la sheegay in lagu beegsan lahaa shacabka isla markaana lagu carqaladeyn lahaa amniga magaalada.
Howlgalkan oo dhacay abaarihii 11:30 habeenimo ayaa laga fuliyay degmada Dayniile, halkaas oo ciidamada ay ku qabteen mootada siday 5 hoobiye oo lagu qariyay jawaanno qudaar ah, si qarsoodi ahna loogu soo gelinayay gudaha magaalada.
Ninkii waday mootada ayaa isku dayay inuu qarxiyo mootada iyo hubkii saarnaa kadib markii uu ogaaday in la qabanayo, balse ciidamada ammaanka ayaa si degdeg ah uga hortagay isku daygaas, iyagoo gacanta ku dhigay hubkii lagu soo raray mootada iyo ninka waday.

Saraakiisha ammaanka ee magaalada Muqdisho ayaa uga mahadceliyay shacabka xogta ay la wadaageen ciidamada, iyagoo xusay in wada shaqeynta bulshada iyo hay’adaha ammaanku ay muhiim u tahay sugidda amniga caasimadda.
Ugu dambeyn, ciidamada ammaanka ayaa ballan qaaday inay habeen iyo maalinba sii xoojin doonaan howlgalada lagu ilaalinayo amniga iyo badqabka bulshada, isla markaana looga hortagayo falalka ay maleegayaan kooxaha khatarta ku ah nabadda.