Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ka qayb galay munaasabadda lagu soo xirayay tartanka orodka ee Toddobaadka Ciyaaraha Nabadda iyo Horumarka, oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Tartankan oo ahaa mid si weyn loo soo agaasimay ayaa isu keenay boqolaal dhalinyaro ah oo ka qayb qaadanayay dhiirrigelinta nabadda, isdhexgalka bulshada iyo horumarinta isboortiga.

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi ayaa si toos ah ula orday qaar ka mid ah tartamayaasha, isagoo qayb ka qaatay masaafad dhan 3 kiiloomitir, taas oo ahayd tallaabo muujinaysa taageerada dowladda federaalka Soomaaliya ee horumarinta ciyaaraha iyo dhiirrigelinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa markii uu tartanku soo idlaaday guddoonsiiyay billado iyo abaalmarinno dhalinyaradii ku guuleysatay tartanka, isagoo sidoo kale ammaanay dadaalkooda, kartidooda iyo anshaxa ciyaareed.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in isboortigu yahay aalad muhiim u ah kobcinta midnimada bulshada iyo horumarinta dhalinyarada, isagoona tilmaamay in ciyaaraha noocan oo kale ah ay door muuqda ka qaataan kor u qaadista nabadda, dhiirrigelinta wada noolaanshaha bulshada iyo xoojinta rajada mustaqbalka ee dhalinyarada Soomaaliyeed.