Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo markii lixaad ku guuleystay doorashada Jabuuti

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo markii lixaad ku guuleystay doorashada Jabuuti

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa markii lixaad ku guuleystay doorashada madaxtinimada ee shalay ka dhacday dalkaasi, iyadoo natiijooyinka rasmiga ah ay muujinayaan inuu helay 97.8% codadkii la dhiibtay.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka adkaaday musharraxa keliya ee la tartamayay, Maxamed Faarax Samatar, oo helay 2.2% codadka, taasoo si rasmi ah u xaqiijisay guusha madaxweynaha xilka haya.

Madaxweyne Geelle ayaa hoggaanka dalka Jabuuti qabtay sanadkii 1999, markaas oo uu xilka kala wareegay madaxweynihii hore, Xasan Guuleed Abtidoon, isagoo tan iyo xilligaas, si isdaba joog ah ugu guuleysanayay doorashooyinka.

Doorashadan ugu dambeysay ayaa timid kaddib wax ka beddel lagu sameeyay dastuurka dalka Jabuuti, kaas oo meesha ka saaray xadka da’da musharraxiinta, taasoo u oggolaatay madaxweyne Geelle inuu mar kale tartamo, inkastoo uu hore u sheegay inuu qorsheynayay inuu xilka ka dego.

Dhinaca kale, dalka Jabuuti ayaa wajahaya caqabado dhaqaale iyo bulsho, oo ay ka mid yihiin shaqo la’aan sare oo gaaraysa ku dhawaad 70% dhalinyarada iyo deyn badan oo dalka lagu leeyahay.

Madaxweyne Ismaaciïl Cumar Geelle ayaa ku dhashay magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya sanadkii 1948, wuxuuna sanadkii 1999 xilka kala wareegay Xasan Guuleed Abtidoon, oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee dalkaasi Jabuuti tan iyo markii ay xornimada ka qaadatay Faransiiska sanadkii 1977.