Ciidamada Danab oo dilay labo ka tirsan Al-shabaab, noloshana ku qabtay labo kale

Ciidamada Danab oo dilay labo ka tirsan Al-shabaab, noloshana ku qabtay labo kale

Ciidamada Danab ee xoogga dalka Soomaaliya, oo kaashanaya saaxiibadooda caalamiga ah, ayaa howlgal bartilmaameed ah ka fuliyay deegaanka Warmaxan ee gobolka Sh/hoose, halkaas oo lagu beegsaday maleeshiyaadka Khawaarijta ee Al-shabaab.

Howlgalkaas ayaa lagu dilay labo ka mid ah xubnaha khawaarijta Al-shabaab, halka labo kale nolosha lagu qabtay, taasoo muujineysa guul la taaban karo oo ka dhan ah kooxaha argagixisada ee weli khatar ku haya amniga gobolka.

Ciidankaasi ayaa sidoo kale qabtay qalab ka sameeysan waxyaabaha qarxa oo ay argagixisada Al-shabaab qorsheynayeen inay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah, iyagoo sidoo kale burburiyay goobo ay Khawaarijta Al-shabaab lacago baad ah kaga qaadi jireen shacabka deegaanka.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya taageero caalami ah, ayaa muddooyinkii dambe bilaabay howlgalo ka dhan ah kooxaha Khawaarijta ee Al-shabaab, kuwaas oo lagu bar-tilmaameedsanayo xarumaha ay kaga sugan yihiin guud ahaan gobolada dalka Soomaaliya.