Madaxweyne Xasan oo ku hanjabay in Somaliland la weerarayo hadii ciidamo shisheeye laga soo dejiyo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku hanjabay in Somaliland la weerarayo hadii ciidamo shisheeye laga soo dejiyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si cad u muujiyay mowqifka dowladda federaalka ee ka dhanka ah in ciidamo shisheeye laga soo dajiyo dhulka Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Waqooyi, isagoo arrintaas ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wareysi siiyey telefishinka Aljazeera ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay dal leh madax-bannaani buuxdo, isla markaana aysan jiri doonin cid awood u yeelan karta inay faragelin militari ku sameyso dhulkeeda, iyada oo aan oggolaansho ka haysan dowladda dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku hanjabay in haddii ay dhacdo in dhul soomaaliyeed lagu soo xadgudbo ay dowladdu qaadi doonto jawaab ku habboon, si loo ilaaliyo madaxbannaanida iyo amniga qaranka.

“Cid kasta oo isku dayda inay ku xadgudubto madaxbannaanida Soomaaliya, si kasta ha ahaatee, Dowladda Federaalka waxay xaq u leedahay inay difaacdo qarannimada iyo midnimada dalka,” Sidaasi waxaa yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay mar walba ka go’an tahay ilaalinta amniga, midnimada dhuleed, iyo danaha shacabka Soomaaliyeed, isla markaana aysan oggolaan doonin tallaabooyin keeni kara qalalaase ama khatar gelin kara xasilloonida dalka.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo beegmaya xilli ay taagan yihiin dooddo la xiriira arrimaha dibadda iyo xaaladda siyaasadeed ee gobollada Waqooyi, kuwaas oo weli u baahan xallin ku saleysan wada-hadal iyo is-ixtiraam.