Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa habeenkii xalay gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.
Booqashada Madaxweynaha ayaa ka mid ah safar diblomaasiyadeed uu ku marayo dalal dhowr ah, islamarkaana uu diiradda ku saarayo xoojinta xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweynaha Masar C/fitaax Al-Sisi ayaa yeelan doona kulan ay kaga wada hadli doonaan sida Soomaaliya iyo Masar uga qayb qaadan karaan xoojinta nabadda iyo amniga gobolka, iyagoo kaashanaya iskaashi diblumaasiyadeed iyo wada-tashi siyaasadeed.

Ujeeddada kulankaan ayaa ah in la helo is-afgarad iyo istiraatiijiyad wadajir ah oo wax ka qabata caqabadaha siyaasadeed iyo amni ee ka jira Geeska Afrika iyo Badda Cas, si loo xaqiijiyo xasillooni waarta iyo iskaashi miro-dhal ah.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Al-Sisi ayaa ka wada hadli doonno sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga dhinacyada ganacsiga iyo maalgashiga, si loo abuuro fursado horumarineed oo ay ka faa’iideysan karaan labada shacab.

Si kastaba ha ahaatee, booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee Qaahira ayaa muujinaysa dadaalka dowladda Soomaaliya ay ugu jirto xoojinta xiriirka ay la leedahay dalalka gobolka iyo kuwa caalamka, iyadoo Masar ay ka mid tahay dalalka sida dhow ula shaqeeya Soomaaliya.