Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kumaandooska Danab, oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Gamboole ee gobolka Sh/dhexe ayaa soo badbaadiyay dad rayid ah oo in muddo ah ay kooxda Al-shabaab afduub ugu heystay.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada ay si nabad ah kusoo furteen sagaal qof oo shacab ah oo ay kooxda Al-shabaab afduub ahaan u heysatay.
Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in intii uu socday howlgalka la dilay shan xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab, kuwaasi oo uu kamid ahaa horjoogihii kooxda ee deegaanka Gamboole.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku xoojineyso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay maalmihii lasoo dhaafay howlgallo ka wadeen deegaanno kamid ah gobollada dhexe ee dalka.
Si kastaba ha ahaatee, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa marar badan ku celisay inay sii wadeyso howlgallada militari ee lagu doonayo in lagu xoreeyo deegaannada ay weli ku sugan yihiin Al-Shabaab, isla markaana lagu xaqiijiyo amniga shacabka Soomaaliyeed.