Wadahadallada siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa maanta markale dib uga furmay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay dhex-dhexaadinayso beesha caalamka.
Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa maanta markale shirka uga qeyb galaya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac.
Sidoo kale, dhanka mucaaradka waxaa shirka ku matalayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Deni, iyadoo sidoo kale shirka ay goobjoog ka ahaayeen xubno ka tirsan beesha caalamka.
Wararka laga helayo shirka ayaa sheegaya in doodaha maanta ay si gaar ah diiradda u saarayaan muranka ka taagan hannaanka doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo xaaladda kala-guurka siyaasadeed ee dalka.
Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa weli si adag uga soo horjeeda qorshaha dowladda federaalka ee ku aaddan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, iyagoo sidoo kale diidan wax-ka-beddelkii dhawaan lagu sameeyay dastuurka Soomaaliya.
Mucaaradka ayaa ku doodaya in muddo-xileedka dowladda oo laga dhigay shan sano uu dhaawacayo heshiisyadii siyaasadeed iyo nidaamkii awood-qaybsiga ee lagu maamulayay dalka, halka dowladda federaalka ay ku adkeysaneyso in isbeddelladaasi muhiim u yihiin dhismaha dowlad dimuqraadi ah iyo hirgelinta doorashooyin toos ah.
Dhinaca kale, wakiillada beesha caalamka ayaa weli wada dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in lagu yareeyo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka, iyagoo ku boorrinaya dhinacyada inay gaaraan heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay si looga gudbo khilaafaadka taagan.
Kulamadan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad siyaasadeed oo aad u xasaasi ah, iyadoo ay sii dhowaaneyso dhammaadka muddo-xileedka Dowladda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana laga cabsi qabo in khilaafka doorashooyinka uu sababo qalalaase siyaasadeed iyo hubanti la’aan dhinaca dastuurka ah.