Wararkii ugu dambeeyay shirkii maanta Xalane uga furmay dowladda iyo mucaaradka

Madaxda dowladda federaalaka iyo xubnaha mucaaradka oo shir qaadanaya

Waxaa maanta lasoo gabagabeeyay wejiga koowaad shirkii wada-hadallada ahaa ee maanta magaalada Muqdisho uga furmay dowladda federaalka Soomaaliya iyo xubno kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka, kaas oo ka dhacay xerada Xalane.

Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa shirka uga qeyb galay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Salaax Axmed Jaamac.

Dhanka mucaaradka waxaa shirka ku matalayey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni, iyadoo sidoo kale shirka ay goobjoog ka ahaayeen xubno ka tirsan beesha caalamka.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan nooca doorasho ee dalka lagu geli doono iyo xaaladda kala-guurka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Wararka laga helayo shirka ayaa sheegaya in dhinacyadu maanta yeesheen dood hordhac ah oo ku saabsan qodobo muhiim ah, inkastoo shirka maanta uu u badnaa is-arag iyo gogol xaarka wada-hadallada rasmiga ah.

Shirka ayaa ku bilawday jawi deggan, waxaana ugu dambeyn lagu heshiiyay in dib la isugu soo laabto si loo sii ambaqaado wada-hadallada maalinta berri ah.

Sidoo kale, dhinacyada ayaa lagu wadaa inay la tashiyo kala yeeshaan xubnaha iyo dhinacyada ay matalayaan, ka hor inta aan dib loo guda gelin wejiga xiga ee wada-hadallada siyaasadeed.

Si kastaba ha ahaatee, shirkaan ayaa kusoo aadaya xilli muddo-xileedka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku egyahay 15-ka May, taas oo sare u qaaday walaaca laga qabo suurta-galnimada qalalaase siyaasadeed ama firaaq dastuuri ah haddii aan heshiis laga gaarin arrimaha doorashooyinka.