Wararka naga soo gaaraya duuleedka deegaanka Jabad Godane ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay gebi ahaan bur-buriyeen goob ay kooxda Al-shabaab ku kaydsan jireen miinooyinka iyo waxyaabaha kale ee qarxa.
Howlgalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamada xoogga dalka ay heleen xog ku saabsan in Al-shabaab ay si qarsoodi ah halkaasi ugu kaydsanayeen miinooyinka iyo walxaha kale ee qarxa, kuwaas oo ay u adeegsan jireen waxyeelleeynta dadka shacabka ah iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ciidamada xoogga ayaa gebi ahaan xiray goobta, si looga hortago khatar ka dhalata miinooyinkaasi iyo walxaha kale ee qarxa, waxaana isla markiiba si xirfad leh loo burburiyay agabkaas.

Si kastaba ha ahatee, howlgalkaani ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah oo ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku xaqiijinayaan amniga, gaar ahaan meelaha ay Al-shabaab ku xooggan yihiin, si loo yareeyo khataraha ka imaan kara kooxdaas.