Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa oo maanta xil ka qaadis lagu sameeyay

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa oo xil ka qaadis lagu sameeyay

Golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xil ka qaadis ku sameeyay taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raagge, iyagoona xilkaasi u magacaabay Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud.

Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa horey u ahaa taliyaha taliska taakulada guud ee ciidamada xoogga dalka, waxaana si weyn loogu tixgeliyaa inuu yahay sarkaal xirfad leh islamarkaana tababar kusoo qaatay dalka Turkiga.

Jeneraal Odawaa, oo ka mid ah saraakiisha ugu caansan ee ciidanka, ayaa muddo laba jeer hore usoo noqday taliyaha ciidanka, iyadoo hadda lagu beddelay sarkaal da’yar ah oo la rajeynayo inuu wax ka beddelo hogaanka sare ee ciidamada.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xil ka qaadista Jeneraal Odowaa, balse waxaa xusid mudan in ciidamada ay sanadkii hore ka baxeen deegaano muhiim ah, taasoo dhalisay dhaleeceyn iyo cabashooyin ku saabsan awoodda ciidamada.

Si kastaba ha ahaatee, magacaabista taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa kusoo beegmaysaa xilli dalka uu wajahayso xaalad amni oo kacsan, waxaana la filayaa in Jeneraal Ibraahim uu hogaamin doono dagaalka ka dhanka ah kooxaha Al-shabaab ee weli khatar ku ah nabadgelyada dalka.