Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si cad uga soo horjeestay qorshaha baarlamaanka federaalka ee wax-ka-beddelka dastuurka KMG ah, iyagoo ku andacoonaya in aan weli la helin wadatashi guud oo qaran ama oggolaansho bulsho oo dhameystiran.
Golaha ayaa sheegay in qorshahaan aan loo marin nidaam sharciyeed sax ah, isla markaana uu khatar ku yahay midnimada iyo xasilloonida dalka, maadaama aan la tixgelin dareenka iyo rabitaanka shacabka, islamarkaana tilmaamay in wax-ka-beddelka la wado uusan u dhicin hab sharci ah.
Sidoo kale, golaha ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu xildhibaanada baarlamaanka ku cadaadinayo inay ansixiyaan isbeddellada dastuurka, taasoo ay u arkeen mas’uuliyad darro siyaasadeed.
Dhinaca kale, golaha ayaa cambaareeyay dhacdadii shalay ka dhacday xarunta golaha shacabka, iyagoo sheegay in madaxweynaha uu cadaadis ku saaray guddoomiyaha golaha shacabka, Aadan Madoobe si loo dhaqan geliyo isbeddellada aan heshiiska lagu ahayn, gaar ahaan kuwa ku saabsan cutubyada 5aad ilaa 9aad ee dastuurka.
Tallaabooyinkan ayay ku tilmaameeyn inuu yahay mid dhaawacaya kalsoonida shacabka ee ku aaddan dowladda iyo nidaamka dowladnimo ee dalka, islamarkaana sii hurinaya khilaafaadka siyaasadeed ee dalka, iyagoona ku baaqay in la xoojiyo wada-hadalka iyo wada-tashiga si xal kama dambeyn ah loo helo.
Ugu dambeyntii, Golaha ayaa si cad u sheegay inay ka soo horjeedaan wax-ka-beddel kasta oo lagu sameeyo dastuurkii hore, wuxuuna ugu baaqay dowladda, baarlamaanka, iyo dhammaan qeybaha siyaasadeed ee dalka inay ixtiraamaan dastuurka iyo sharciga, si loo hubiyo midnimada iyo xasilloonida ummadda Soomaaliyeed.