Ciidamada Jubaland oo burburiyay warshad miinooyin oo ay lahaayeen Al-shabaab

Ciidamada Jubaland oo burburiyay warshad miinooyin oo ay lahaayeen Al-shabaab

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Jubaland, oo kaashanaya kuwa Daraawiishta Jubaland, ayaa fuliyay howlgal amni oo qorsheysan, kaas oo lagu burburiyay warshad lagu sameynayay miinooyin oo ay lahaayeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Warshaddan ayaa ku taallay deegaanka Badda-madow, gaar ahaan inta u dhexeysa Raaskaambooni iyo Badhaadhe, waxaana si gaar ah lagu sheegay aagga Hola-Wajeer iyo deegaannada ku dhow.

Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga, ciidamada ayaa hal goob kasoo qabtay ku dhowaad 90 xabbo oo miinooyin ah, iyo qalabkii loo adeegsanayay farsameyntooda. Sidoo kale, waxaa la helay miinooyin kale oo tiro badan oo diyaarsan, kuwaas oo la tuhunsan yahay in loo qorsheeyay in lagu waxyeelleeyo shacabka rayidka ah iyo goobaha dadweynaha.

Dhanka kale, wararka ka imaanaya aagga howlgalka ayaa tilmaamaya in ku dhowaad 50 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-shabaab lagu dilay dagaallo halkaasi ka dhacay, iyadoo meydadkoodana la geeyay magaalada Raaskaambooni.

Gobollada Jubaland iyo Waqooyi-bari Kenya ayaa horey u soo maray dhibaatooyin la xiriira miinooyinka lagu aaso waddooyinka iyo goobaha dadweynaha, kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh, isla markaana carqaladeeyay isu socodka ganacsiga iyo nolol maalmeedka bulshada.

Si kastaba ha ahaatee, howlgalkan ugu dambeeyay ayaa lagu tilmaamay mid qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga, laguna yareynayo khataraha ay kooxaha hubeysan ku hayaan shacabka iyo dhaq-dhaqaaqa ganacsiga ee gobolka.